|
Jaamacada Carabta iyo Midowga Africa oo Iskaashanaya Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Dhibaatada Somaliya |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Friday, 27 June 2008 |
|
Muqdisho, (insidesomalia.org)-Jaamacada Carabta ayaa waxaa ay sheegtay in wadamada Midowga Africa ay iska kaashanayaan sidii loo dajin laha Xaalada kacasan ee wadanka Soomaaliya.
Uqeybsamaha Arimaha Africa Jaamacada Carabta Samiir Xusni oo ku sugan Magaalada Qahira ee Dalka Masar ayaa waxa uu sheegay in Jaamacada Carabta iyo midowga Africa ay iska kaashanayaan sidii loo dajin lahaa Xaalada dalka Soomaaliya,waxaana uu tilmaamay in Jaamacada Carabta,Midowga Africa iyo Qaramada Midoobey oo is kaashanaya ay qaadeen talaabooyin lataaban karo oo wax ku ool ah oo ku aadan dajinta xaalada dalka Soomaaliya kadib markii magaalada Jabuuti 9 kii bishaan lagu saxiixay hishiis ay wada gareen dowlada KMG iyo Mucaaradka.
Samiir Xusni waxa uu tilmaamay in Jaamacada Carabtu ay sii wadi doonto is kaashiga ay la samayneyso Midowha Africa kaasi oo ku aadan sidii Soomaaliya loogu heli lahaa Xal waara, waxaana uu sheegay in Jaamcada Carabta ay diyaar u tahay in wadanka Soomaaliya lagu soo dabaalo Nabad waarta iyadoo loo sii marayo Wada hadalo iyo waliba is kaashi ka yimaada dhinaca Beesha Caalamka,waxaana Samiir Xusne uu ka Codsaday hogaamiyaasha Midowga Africa in ay iyagana is kaashigaasi ay dhinacooda xoojiyaan si buu yiri loo dajiyo Xaalada Soomaaliya oo mudo 18 sano aheyd mid murugsan oo xal loo waayay.
|